Featured Post

Hadii ay dhibaato ku hayso arimaha siyaasada iyo diimaha qalaad ee aadku arkayso facebook baro sida la is kaga xidho

 

facebook waa aalada social media ah ee loogu adeegsiga badan yahay aduunka, waxa facebook adeegsada wax ka badan 2 billion oo qof oo aduunka ku nool, waxaana bishii adeegsada aalada facebook wax ka badan 2 billion oo qof. ma jirto aalad kale oo social media ah oo wali haysata adeegsadayaal intaas leeg, midasina waa mida ka dhigaysa facebook aalada loogu adeegsiga badan yahay.


waxaana jira waxyaabo badan oo uu facebook ku mutastay inuu helo adeegsadayaasha intaas leeg waxaana kamida inuu yahay aaladi social media ah ee ugu horaysay aduunka ee la sameeyo, sido kale waxa kamida facebook inuu leeyahay farsamooyin ama features badan kuwaas oo dadka adeegsada facebook ay ka faaidaystaan waxaana kamida inaad facebook lacag samayn karto oo kale, iwm.


inkasta oo uu facebook yahay aalada social media ah ee loogu adeegsiga badan yahay aduunka hadana waxa jira wadamo badan oo dadka ku nool badankoodu aanay adeegsan facebook, sababtuna ay tahay in ay jiraan waxyaabo badan oo lagu dhaliilo facebook. waxyaabaha ugu waawayn ee facebook aan lagu adeegsan ee lagu dhaliilo waa in uu dadka adeegsada xogtooda iibiyo oo aanu ixtiraamin privacygooda ama khusuusiyadooda. midaasina waxa ay keentay in facebook aanu ku yeelan adeegsadayaal badan wadamo badan oo uu ka mid yahay wadanka laga leeyahay facebook ee maraykanka iyo yurub.




shirkada facebook ayaa sheegtay bilawgi sanadki 2022 in ay jiri doonan waxyaabo badan oo facebookga laga saari doono sanadkan gudihiisa inkasta oo aanay tilmaamin waxyaabaha ay noqonayaan waxa la saarayo, iyo sido kale wax tixraaca oo kaleba.


hadaba shirkada facebook ayaa hada dibada soo dhigtay wixi uhoreeyay ee laga saarayo facebookga ama laga joojinayo, waxaana uu yahay in qaar kamida xogaha dadka adeegsada facebook aanay ka muuqan doonin qofka adeegsadaha ah profilekiisa.

waxa jira xogo badan oo facebook ka ogaado qofkasta oo adeegsada facebook, waxaana kamida qofka magaciisa oo dhamaystiran, halka uu dagan yahay, telefoonka ama computerka uu ku adeegsado facebook, shaqooyinka uu hayo ama qabto, diinta uu aaminsan yahay, iwm. xogahaas qaar kamida waxa ay kasoo muuqdan qofka facebook adeegsada profilekiisa. 


xogahaas qofka profilekiisa ka muuqda iyo sido kale badanka xogaha kale ee uu facebook qofka ka ogaado ayaa waxa uu facebook la wadaaga dadka facebook waxku xayaysiista, iyado facebook aanu ka reebin xogaha xasaasiga ah qaybo kamida marka uu xogta la wadaagayo dadka facebook ku xayaysiista. 


hadaba shirkada facebook ayaa hada wixi  joojisay mid kamida xogaha xasaasiga ah ee ay dadka la wadaagi jirtay hada ka hor waxaana kamida, qofka halka uu dagan yahay, diinta uu haysto iyo siyaasada uu taabac san yahay. xogahaas ayuu facebook hada wixi ka dambeeya joojin doona in uu la wadaago cidba hadii ay tahay dadka wax ku xayaysiista iyo cid kaleba, sido kale facebook waxa uu qarin doona xogtaas oo kama soo muuqan doonto xogtaasi dadka facebook adeegsada profilekooda.

isbadalkan ku yimi facebook ama updatekan ayaa bilaabmi doona bilawga bisha january ee sanadka 2023, inta aan xogtaas la qarina facebook qofki doonaya xogtaas waxa uu u ogolaanaya inuu xogtiisa download garaysto, xogta uu facebook u ogolaanayo in uu qofku download garaysto ayaa ah xogta uu facebook ka og yahay qofka oo dhan.

updatekan ayaa ay soo dhawaynayaan badanka dadka facebooga adeegsada oo dhami, marka laga reebo dad yar oo iyagu doonaya in xogtoodu kasoo muuqato profilekooda, balse badanka dadka ugu badan ee facebook adeegsada waa ay soo dhawaynayaan, sido kale waxa ay dadka facebook ku dhaliila sida uu uga faa'idaysto xogta dadka adeegsada ayaa ay ugu muuqata in uu facebook talaabo hor leh uqaaday dhanka ixtiraamka xogta uu ka ogaanayo dadka adeegsada.



Comments